Explorations in History and Society

Exploring and Collecting the History of the Somali clan of Hawiye.

Taariikh kooban ee ku saabsan Ceelbuur

leave a comment »

Marka aad maqasho mageeceeda waxaa markiiba ku soo dhacaya qalbigaaga farxad iyo raynrayn, waxaa gocaneysaa Inaad dib u aragto mar kale , daarihi cadcadaa , biyuhu ku wareegsanayeen , waadiyadii la xirriray magaalada ee ka xigay bari iyo koofur waxaa markiiba dhegahaagu maqlayaan heesti ugu horeeysay ee soomaliya ee magaalo iyo lala masliyo ee Ceelbuur kuyaale, Waxaa lagu tilmaamaa magaalooyinkiii ugu qadiimsanaa dalka soomaaliye, gaar ahaan, koofurta, waxaa ay noqotay waxaa la yiraahdaa waa magaaladii , fardaha iyo Ugaasyada, waxaa lagu tilmaamaa magaalooyinka soomaliye ee lehaa wax soo saar isku filaansho, intii aan somaliya ku dhicin qaran jabku dhinaca beeraha , xoolaha iyo khayraad kale oo ilaahay ku manaeeystay digirta, mesagada iyo qaauba ha ugu badnaadeen waxa ay soo saarto, waxaa ay caan ku tahay wax soorka burjikada oo Meelkale Oo soomaliya ah oo laga soo saaro aanay jirin, waxaa kale caan ku tahay farshaxan laga sameeyo dhagaxa caanka ah ee burjikada hadana looga manaafacaadsado waxa yaabo aan la soo koobi Karin , cusbo dhulka qaarkiis iska ceegaagta ( natural salt) waxaan maqaalkana ku soo qaatay in ay ceelbuur tahay magaalo soo iftiimaysa mustaqabalka dhow, waxaa iswaydin leh , dadka ku dhashay ma yihiin dad wada noolaan kara , wada tashan kara , meel wax isla dhigi kara , qaybsan kara manafaacdkaas ilaah ku maneeystay degaankooda, iyagoo is xaq dhowraya kana fogaanaya wax kasta oo u keeni kara fadqalalo iyo qalqal nabadgelyo, waxaan shaki ku jirin in meel la wada degan yahay ay ka magaca iyo muuno dheer tahay is qoqob, waxaase ka horeeya in nidaamka kala danbeeynta, sharciga ku saleeysan dhaqanka , diinta boorka laga jafo , loona duubto sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa waxaa soo ay muuqatay in dadku dib ugu soo laabanyaan waqrtiyadan danbe kadib markii ay muqdisho noqotay god waraabe galay. Ceelbuur waxaa ay tilmaan u tahay magaalo soo saartay dad badan oo soomali ah oo hore umar sare ka gaaray dhinacyo badan dalka soomaaliya( human capital) waxaase is waydiin leh ma noqdeen kuwo abaalkeedii u guday ama wax ku daray sidii ay ahayd dhawr iyo konto sano ka hor. Mise waxaa ay noqdeen ku sifoobay abaal darada .kuwa hada joogasi ma ku jiraan qorshe ay dib ugu dhisayaan magaaladoodu hooyo ee ay ku soo barbaareen.

Maxaad ka garaneysaa dadki ceelbuur ku Dhashay ee ee soommaliya magaca ku lahaa, ku soo koray khayraadkiisii aad u faraha badanaa , ku soo hanaqaaday barwaaqo dhinac kasta ah oo aan la soo koobi Karin ee dhinaca beeraha iyo Xolaha, waadiyada buyihu ku durduuraan ee dhex mara magaalada iyo degaanada ku xiiran , miyaanay ahayn magaaladii waadiyada iyo baliyada u dhexeeysay( Land between lakes ) . waxaa ay magaalada ceelbuur oo 7 qarni kodhowaad aasaaskeedu tirsado ku taalaa bartamaha dalka soo maliya ( gobolada dhexe) . waxaa laga yaqaan magaalaada nolosha fudud ee daynyarta , hufnaanta iyo tixgelinta wada noolaasho ee dadka meesha degan, meesha ay doonaan soomaliya ha ka yimaadeeene , waxaa can ku noqotahay cad la cuno , caano laga keeno sedexda cood ee addunyo , beeraha laga beero nawaaxigaas waxaa ay noqdeen kuwa taariikhda galay, tassoo marka digirta guduudan laga arko gobolada dhexe iyo bari la yiraahdo “ waryaa ceelbuur ka yimid “ waxaan shaki ku jirin oo hadii ay heli lahaayeen dhiiirigelintii dadka dageenka dar dar cusub gelin lahaaa dalaga digirta iyo mesagada oo looga bartay waqtiyadii hore in ay u dhoofiyaan , gobolada waqooyiga ka xiga ee bari iyo waqooyi galbeed oo ay waligeed ceelbuur la lahayd ganacsi taariikhi ah ee dhinaca delaga ( digirta) , subaga , malabka , iyo dhaggaxa.

Ceelbuur waxaa sanadkii 1900s noqotahay saldhigaa aqoonta gaar ahaan diinta islaamka , kadib markii ay dib ugiu soo laabteen culumo badan oo aqoon diinta u raadsaday goboladii galbeedka ee itoobiya , gobolada banadir iyo shabeelaha hoose gaar ahaan Marka iyo Ceelure iyo Muqdisho iyo ganacsiga uu noqday bartamiii qarnigii 20 aad, waxaa uu ganacisgiisu ku xirmay , wadama carabta gaar ahaan cadan , dalka yamen , kuwaa soo loo mari jiray , gobolad bari ee soomaliya. Waxaa ay degaan u noqotahay soomali kal duwan oo ka timid dhul kale duwan taasina waxaa ku tusineysaa in ay ahaayeen dadkii deganaa dad lala noolaan karo inkasta oo aadan degaanka u dhalan ama ka soo jeedin.

Waxaa dib u xusuusatay gabaygii Koriye uu biloowgii 1990s tiriyey AVV. Cabdilaahi macallin Cabdille (Cabdi xaashi) ee uu uga hadlaayey taariikhda ceelbuur , xagga wax soo saarka iyo cimilada, degaanka diinta iyo dadka degan ay u wada noolyihiin , isagoo iska dhigaya in ceelbuur ay hadleeyso waxaa uu yiri :

Ceelbuur cadde ayaa la i yiraa caanna waan ahaye
Cimrigaan waxaan kala fil ahay ciidda la abuuray
Culimiyo waxaa igu dhex nool caami fara weyne

Calaf bay durduurtaan wixii cabaya ceesheeyda
Ceel cadde ayaa lagu ogaa cirib samaantaase
Cusbadana waxaa laga helaa cirifyadeydaase

Casiis eebahay roob hadduu cirka naga siiyo
Caleentaa la daaqaa intay wada carfeysaaye
Caanaha waxaa lagu ruxdaa haaman la cugaaye

Caanooyada waxaa quudayaan inta caruurtaaye
Ciirtana waxaa lagu qubaa geed caraacarahe
Caweyskaa wiilashiyo gabdhuhu wada ciyaaraane

Culumadu waxay ku xamdiyaan caadilki abuuray
Ciyaalkana waxay kula talshaan inay ciseeyaane
Casharada quraankay ilmaha kula caraabaane

Cishihiina subacbay in badan ku carabaabshaane
Caddeyntiyo macnahana ragbaa caalim ku ahaaye
Caalimiin waxay soo baxshaan diinta calalshaane

Cidahana waxaa lagu dhaqaa caafiyo axkaane
Cabdishariif dadkaa wada yaqiin caalimnimadiisi
Cilmi inuu daliilshaa ilaah caado uga yeelay

Curadkiisiba baa lamid iyo Cismaan shiikhe
Cabdillooyin baa garab socdeen wada caruurtiiya
Cismaan faarax wiilki cabdille caarad u ahaaye

Ciidan bey ahaayeen dhammaan caalim iyo shiikha
Culumadu waxay ku hardamaan kala caddeynaayay
Cabir bay ahaayeen wixii diinta camilkeed ah

Cimaamadda ugaasnimo rag baa caano lagu daadshay
Caalin gobow wuxuu wiilal dhalay carab la moodaayo
Curadkii ugaas Muumin*4 baa calanka loo saaray

Caraduna nidaam bay lahayd laysku celinaayay
Colaad laguma faanee gefkaa layska celiyaaye
Cara qeybsi goortii larabo ama calaameysi

Cabdikariin*5 waxaa lagu ogaa kala caddeynteeda
Carabkiisu goortuu hadlana waad cajaa’ibiye
Caaqil wuxu ahaa eebeheey cilmi ugu deeqay

Caafimaadna waa keeni jiray caad ka hadalkiisu
Ciid ka hoos markii uu gala laygu caga taagay
Caddoodkaa waxow iiga bixi ciidda oo kaleye

Curashada cirkaan soo tufaa digir cagaar weyne
Cun waddaniga waa laga maqlaa tan iyo ceergaabo
Camboob qare waxaa loo cabaa oonka celintiiye

Cagaar wixii ka soo baxa dhamaan waa aan canuunshaaye
Caasinmo wixii la igu falay waan cartamayaye
Canug waliba coodkuu heluu cadan la aadaaye

Cardiyada kaleey uga dhisteen daariyo cariishe
Cagaweyne geelana halkaa laga curcuurshaaye
Cadagiyo wuxuu daaqayaa garas caleentiiye

Cimradana allaa naga hayoo waan ka caaganaye
Carom daran markuu caajisaa lagu cusbeeyaaye
Caaniyo waxaa lagu qabaa kurus caddiintiiye

Culaabtana wixii lagu raraa lagu caraawshaaye
Ciddi yare ergaa laga cabaa subagiyo ciiroode
Cadka hilibna waa laga qashaa cunid fudeydkiise

Caradaan waxaa looga heli ciidda oo kalaye
Caafimaad allaa iga dhigiyo cudur daweyntiiye
Cambuula yar qofkii iga cunaa waa cayilayaaye

Ciid buskayga cunigii hurdaa ciidanbuu noqone
Caruur korinta waa lagu yaqaan caano iyo dheefe
Calaamana waxaa looga dhigay cududdi doonyaale

Caruud iyo baroordiiq fardaha ceyn walbaba buuxa
Camber dhiin madoow dhuxulahoo is gol cararaaya
Casuur iyo guduud dhiig ahoo wada ciyaaraaya

Caano geel kuwaa loo qaboo wada caddaankiiya
Cows iyo cagaar bey cunaan caaddil ugu deeqay
Ceel gaabna way cabahayaan biyaha ceelaala

Cagahooda qoobka leh markii lagu cirdeynaayo
Cabdi wiilka fuushani hadduu ciribta taabsiiyo
Cirkabey lalaayaan sidii miig la ceyriyaye

Ciyow dheer ayay tegahayaan caro ilaaheeye
Coonka yare qofkii celinayaa kirta ku canaanto
Ceenad bey wadaagaan fardaha weysna curiyaane

Casiiskii abuuraa ammaan ceymo uga yeelay
Caasinimo waxaa lagu hayaa aan cilmi ahayne
Culumaduse waa fuulayaan caada nebiyoode

Caalamkaa dhan waa lagu dhaqmaa ceebna ma ahayne
Caay wixii ku sheegaa asaga cindi uga liita
Cad hadduu jirkiisii ka go’o waa cendherayaaye

Caraf iyo wuxuu qurux lahaa ceyn kaleey noqone
Caafimaad ma heystoo qalbigu waa is cunayaahe
Camal baan la sii golongolaa oo cayili mayo

Caasimadda farriin aan u diro cadowga googoostay
Casraa’iilkii qaadayay naftaad camilki haysaane
Canaad lagama sheegtoo asaga caadilkoow diraye

Calankaa sideen iyo wixii ceysh la baabi’iyay
Cantuugada dad hilibkiisa iyo carunka dhiiggiisa
Caryaar ma aha fiidkii la tumo ama caweyskiiye……

Erayadii allaha u naxariisto avv. Cabdilaahi macallim Cabdille iyo Sh. Cabdikarim Axmed Gindish (tribal leader , born Galaadi, 1880-1944 )

Written by hawiye1

May 31, 2009 at 3:37 pm

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: