Explorations in History and Society

Exploring and Collecting the History of the Somali clan of Hawiye.

Taariikh nololeedkii Imaam Axmad Gurey

leave a comment »

 

Sidaan horay u soo xusnay wixii ka danbeeyey dilkii Suldaan Maxamed Azir, suldaankii guud ee Muslimiinta reer Adal, waxa soo food saaratay Saldanadda khilaafaad aad u ba’an oo degenaansho la’aan iyo qalalaasaba ku abuuray nidaamkoodii dawladnimo.

Waxaa  muddo laba sono gudohood ah soo maray illaa 5 amiir oo mid walba si dhakhso ah looga wareejinayey xukunka kadib dagaallo dhiig badani uu ku daatay. Waxaa hoggaanka u qabtay sidii aan horay usoo magacawnayba Garaad Abwan, oo ahaa nin aad ugu dheggan shareecada Islaamka. Imaam Axmed Gureyna wakhtigaas wuxuu ka mid ahaa ciidankii Garaad Abwan, wuxuuna caan ku ahaa geesinimo, karti iyo indheer-garadnimo uu ku kasbaday kalsoonida Garaadka iyo bulshadii uu ku dhex noolaa intaba.

Garaad Abwan waxaa isagana markiisa loo dilay khilaafkii ku salaysanaa awoodda maamulka Imaarada, waxaana xukunka kala wareegay Abubakar Maxamed Azir…Sacdu-diin oo ahaa wiilkii uu dhalay Suldaan Maxamed Azir.

Wixii ka danbeeyey dilkii Garaad Abwan, Imaam Axmed iyo Suldaankii reer Adal waxaa soo kala dhex galay isfahan la’aan, markii danbe sababtay in uu dhexmaro gacan ka hadal ku dhamaaday dilkii Suldaan Abubakar.

Inkastoo waxyaabaha sida aadka ah looga xasusto suldaan Abubakar ay ka mid ahayd usoo raritaankii uu caasimaddii muslimiinta reer Adal uu u soo raray Harar, hadana waxayaabaha dhanka kale lagu dhaliilo waxaa kamid ah, in uu wax ka qabanwaayey ammaankii imaarada oo faraha ka baxay. Waxaa mar kale soo noqday wakhtigiisii burcaddii jidadka u fariisan jirtay dadka socotada ah, si ay iyaga iyo hantidoodaba dhib ugu geystaan.

Waxaa sidoo kale hoos u dhacay rajadii muslimiinta reer Adal ay ka qabeen in loolan dhab ah uu dhex mari karo iyaga iyo Boqortooyadii galbeedka ka xigtay ee Kirishtanka Ethiopia. Muslimiinta reer Adal oo iyagu kaga wanaagsanaa boqortooyada Xabshida dhinaca xidhiidhka dibadda, gaar ahaan kan ganacsi ee ay la lahaayeen koonfurta Jasiiradda Carabta, wuxuu ku guul daraystay Suldaan Abubakar in uu kaga faa’iidaysto, culaysna ku saaro Boqortooyada Xabashida oo si aan kala go’ lahayn u isticmaali jiratay khadadkii ganacsi ee dhulka sare ee Ethiopia ku xirayey dekeddii Zaylac iyo Gacanka Cadan.

Waxaa sidoo kale halkoodii ka sii socday duulaankii boqortooyada Ethiopia ay ku haysay dhulkii ay maamulysay Imaarada Zaylac; inkastoo uusan ahayn duulaankani mid khatar badan ku hayey jiritaanka Imaarada, hadana waxay dhibaato aan yarayn ku haysay dadkii muslimiinta ahaa ee ku teedsanaa dhulkii xadka la lahaa boqortooyada Ethiopia oo mar walba iyaga uu saamayn ku reebayey dagaalada ay ku soo qaadaan ciidanka boqor Lebne Dengel.

Muslimiinta reer Zaylac, laga bilaabo wabiga Hawaash illaa laga gaaro Gacanka Cadan iyo xaruntoodii ganacsiga ee Zaylac, waxaa mar qura soo food saartay khatar ballaaran. Nidaamkii maamul ee Imaaradu wuxuu halis ugu jiray in uu gebi ahaanba burburo.

Musuqmaasuq iyo maamul xumo ku baahday dhammaan xarumihii looga arrimin jirey saldanadda, ammaankii iyo kala danbayntii oo faraha ka sii baxay, iyo duullaankii isadaba joogga ahaa ee boqortooyada Ethiopia oo halkiisii ka sii socday, intuba waxay sabab u noqdeen in uu yimaado kacdoon shacbi oo uu hogaaminayo Imaam Axmed Ibraahim Gurey.

Yaraantiisii Imaam Axmed wuxuu ku soo barbaaray dhul qiyaastii koonfurta kaga toosan Harar. Waxaan shaki ku jirin in uu qawmiyad ahaan ka soo jeedo Soomaalida, sida uu Professor Maxamud Brelvi uu ku xusay buuggiisa “Islam in Africa” oo lagu daabacay Lahore, Pakistan sannadkii 1964kii. Qowmiyadda Oromada oo iyagu ku dooda in Imaamku uu dhankooda ka soo jeedo ayaa la rumaysanyahay in ay agagaarka Harar soo gaareen qiyaastii xilligii Amiir Nuur Amiirka ka ahaa Harar.

Qabaa’ilka Soomaalida ee loo tiirin karo Imaam Axmed waxaa kamid ah: Geri-ga, Marreexaan-ka, Habar Magaadle-ha, oo ah qaybo kamid ah reerka Isaaqa. Sida ka muuqata buugga Futux Al-Xabasha waxay sadexdaas qoys ku tabaruceen inta badan ciidankii iyo fardihii ka yimid qowmiyadda Soomaalida ee uu Imaam Axmed uu ku weeraray boqortooyada Xabashida. Sidoo kale qabaa’ilka Harti-ga, oo iyagu ka yimid Maydh, Hawiye-ha, Xarla-ha, Jaraan-ta iyo Yibra-ha ayaa iyaguna ka mid ahaa qabaa’ilkii Soomaalida ee Imaam Axmed gacanta ku siiyey duulaankiisa.  

Imaam Axmed Gurey markii uu dareemay halsita ku soo wajahan imaarada Zaylac, wuxuu gooni ula baxay ciidan u badnaa ciidankii Garaad Abwan, waxayna amiir u doorteen Garad Cumar Maxamed Azir, oo ahaa suldaan Abubakar walaalkiis. Khilaafkii Imaam Axmed iyo suldaan Abubakar wuxuu gaaray halkii ugu saraysay. Wakhtigaas ciidanka ugu badan ee Suldaan Abubakar waxay kasoo jeedeen qowmiyadda Soomaalida qabaa’il ka tirsan sida ku xusan buugaagta taariikhda.

Boqor Lebne Dengel, boqorkii Xabshida, oo ka faa’iidaysanayey khilaafkii ka dhex aloosnaa imaarada Zaylac, wuxuu sannadkii 1527kii amray Fanuel, oo ka soo jeeday Kirishtankii reer Dawaaro, in uu weerar ku kiciyo reer Harar. Fanuel iyo ciidankiisu waxay weerarkooda ku ekeeyeen goob u dhow goobihii uu Imaam Axmed Gurey kula sugnaa ciidankii uu kala soo tegey Harar.

Dagaalkaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee si toos ah u dhexmara Imaam Axmed Guray iyo ciidanka boqortooyada Ethiopia, wuxuu Imaamku ka gaaray guul ballaaran. Ciidanka Fanuel waxaa lagu jabiyey goobtii lagu dagaalamay, waxaana dagaalkaas looga qabsaday illaa 60 faras, baqal fara badan iyo hub sida uu ku xusay Shihaab Al-Diin buuggiisa Futuux Al-Xabasha, baalka 12aad.

Written by abshir100

May 31, 2009 at 7:29 pm

Posted in Uncategorized

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: