Explorations in History and Society

Exploring and Collecting the History of the Somali clan of Hawiye.

Taariikhdii Siyaad Qaasim Dheryo Dhoobe

with 7 comments

Hordhaca

Maxaad ka taqaan Caaqil Siyaad Qaasim Dheryo-dhoobe? Kumuuse ahaa?

Siyaad Dheryo-dhoobe wuxuu ahaa caaqil Soomaaliyeed oo noolaa muddo dadka taariikheeya ama isaga ka farcamay ay ku qiyaaseen illaa 400 oo sano ka hor ama 12 oday(awoowe) ka hor. Siyaad wuxuu ku dhasay ballida Xamur ee ka mid ah balliyada faraha badan ee ku yaal deegaanka Dooxa ee gobolka Galguduud.

Qaasim wuxuu ahaa nin nabaddoon ah aadna u caqli badan, lana oran karo Siyaad caqliga aabihii ayuu ka dhaxlay. Qaasim wuxuu kaloo ahaa nin xoolo dhaqato ah. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa Qaasim ka lumay awr ka mid ah geeliisii, wuxuuna isla markiiba ku dhaqaaqay in uu baadi goobo inta aanu gabalku dhicin.

Qaasim marna kuma fekerin in baadigoobka awrta ka luntay ay u horseedi doonto helitaanka marwo caqli badan oo hooyo u noqon doonta abwaan xikmaddiisa soomaali meel kasta oo ay joogto lagaga sheekeysto.

Qaasin wuxuu baadidii dabajoogaba, wuxuu goor casirkii ay tahay uu meel kayn horteed ah kaga soo baxay inan ari la joogta, kadib markii uu bariidiyay  ayuu weydiiyay in ay awr baadi ah aragtay iyo in kale? Ma arag bay ugu jawaabtay, hase yeeshee waxay markiiba raacisay tilmaanta awrta oo waxa ay tiri “Awrta mid ma il la’aa? Midna ma dabo go’naa? Mid kalena ma rarnaa?”

Waxa uu weydiiyey halka ay ku aragtay awrta ay tilmaamahooda sheegtay, laakiin waxa ay kaga yaabisay in aysan awrtaasi arag balse ay soo martay meeshii ay awrtaasi mareen. Markii uu weydiiyay sida ay gabadhu ku ogaatay tilmaamaha awrta ka dhumay waxa ay ku jawaabtay “In mid il la’i uu ku jiray waxaan ku ogaaday dhirta hal dhinac buu ka daaqayey kana buurtay, in uu midna dabo go’naa waxaan ku ogaaday saalada meel qura ayuu tuuminayay, in uu mid kalena culays siday waxaan ku ogaaday raadkiisa oo dhulka aad u diisaayay” waxa ayna raacisay in ay astaamahaas ku aragtay meel aan ka fogayn meesha ay goortaa ariga ku ilaashanaysay”.

Qaasim oo markiiba is tusay in uu helay baadi kale oo ka maqnayd baa gabadhii su’aalay halka ay reerahoodu yaallaan iyo arrimo ku saabsan qoyska inanta,  markii uu xogtaas helayna wuxuu u jiheystay halkiii ay gabadhu awrta ugu tilmaantay, nasiib wanaagse meel aan sidaa uga uga fogeyn buu ka soo  helay awrtii. Qaasim wuxuu u tababushaystay in uu Buullo Xuseen(gabadha magaceeda ) u soo geed fariisto.

Guurkii Bullo iyo Qaasim waxa ka dhashay Siyaad oo carruurnimadiisiiba ay soo if baxday kaydka caqil iyo xal-abbaarnimada Eebbe ku mannaystay, wuxuu kaga duwanaa ilmaha ay isku da’da yihiin isagoo marnaba aan ku mashquuli jirin waxyaabaha da’ yartu waqtigooda isku dhaafiyaan, taa beddelkeeda waxa uu aad uga fakeri jiray sidii wax faa’iido u leh uu reeraha ugu soo biirin lahaa. Sancooyinkiisa badan bay dadka qaar sheegaan yaraantiisiiba inuu kula baxay magaca “Dheryo-dhoob”.

Siyaad wuxuu kaloo ahaa nin takhtar ah, kuna xeel dheer kabista lafaha, sanceynta dhirta dawada loo isticmaalo iyo waliba daweynta xoolaha iwm. Wuxuu kaloo daaweyn jiray qaniinyada halaqa.

Markii uu hanaqaadayba Siyaad Qaasim ‘dheryo-dhoob’ waxa uu la kowsaday tijaabooyin la mariyay garaadkiisa curdanka ah waxaana u billaabatay taxanihii qisooyinka Soomaali gees illaa gees caan ka noqday.

Qisadii Qaraha

Qisadani waxa ay ka mid tahay qisooyinkii badnaa ee lagala haray Siyaad Dheryo-dhoobe, in kastoo qisooyin badan oo kale ah aan hada lahayn oo ay kala lumeen.

Waxaa ragga qaar caada u ahayd in ay Siyaad su’aalo fara badan loola yimaado, iyadoo la oran karo waxay ahaayeen aqoon kororsi iyo xujeyn intaba. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa Siyaad loo keenay haan afka ka daboolan, lana soo niggaxay. Waxaana lagu xujeeyay in uu sheego waxa haanta ku jira, isaga oo aan furin ama haruubka ka qaadin haanta.

Siyaad ma ahayn nin ay xujo ku cusub tahay, iyadoo hore loo soo marsiiyay xujooyin kale oo qalafsan. Waxa uu bilaabay in uu rogrogo haantii oo uu darso waxa ku jira, isaga oo aan furin. Danta laga lahaa ayaa ahayd in lagu fashiliyo aqoonta iyo caqliga uu sheeganayo, waxa ayna dhalisay in haantan daboolan oo xirxiran gudaheeda waxa ku jira la weydiiyo.

Siyaad laguma sheegin taariikhdiisa in uu ahaa nin falfalka isticmaala oo yaqaana. Balse, waxaa lagu sheegay in uu nin caqli badan, una fiirsada hadaladiisa.

Wuxuu hadba dhinac u gadiyo haantaba, oo marba dhinac ka istaago wuxuu yiri:

‘wuxu qoyaan kama taggana, qaleylna kama taggana ee ma xabbad qare ah baa’.

Markii haantii la furayna waxaa laga dhex helay hal xabbo oo qare ah. Dabcan, sida aad hadda ula yaaban tahay sida uu ku gartay waxa ku jira haanta afka ka xiran, ayaa loola yaabay muddo laga joogo afar qarni in ka badan.

Waxaanse hadalkeygii ku soo gabogabeeyay in aan uga harno in ay tahay arrin ‘mucjiso’ ah.

Qisadii Hasha

Maadaama uu Siyaad ahaa nin mudaawaadka yaqaanna, mucjisooyin badanna laga hayo ayaa sida caadada biniaadamku tahayba waxaa jiray dad aan Siyaad u aqoonsaneyn amaba u quuri waayay caqliga Eebe ku maneystay. Raggii iyagu su’aasha ka qabay caqliga lagu sheegay Siyaad ayaa go’aansaday in ay xujeeyaan, waxa ayna soo kaxeeyeen hal isla markaana masaar ayay afka uga soo rideen una soo kaxeeyeen meeshii uu joogay Siyaad.

Heerka ay nimanka hasha watay ka taagnayd in ay ku beeniyaan Siyaad waxa uu sheeganayo meel fagaare ah, waxaad ka garan kartaa, niman reer miyi ah oo go’aansaday in ay neef u qasaariyaan xujo darteed, oo ayna ku xadgudbeen neefka marka ay masaar laqsiiyeen.

Markii ay hashii u keeneen Siyaad ayaa waxa ay ku yiraahdeen “Siyaadoow noo sheeg hashaanu waxa ay qabto, oo ay la cabaadeyso?”

Siyaad waxa uu u yimid hashii, waxa uuna bilaabay in uu fiirfiiriyo, dhan walbana kala wareego. Waxa uu ka waayay wax nabar ah ama jab ka muuqda hasha, waxa kale oo uu ka waayay astaamaha lagu garto cudurada kale ee ku dhaca geela sida shubanka, kudka, cadhada, il qod, saan-reed, dhugato(hargabka) iwm.

Markii uu muddo ku wareegay ayuu yiri “Hashu maankeygay gadaye ma masaar bay laqday”. Waxaa nimankii xujada maleegay argagax ku noqotay in uu Siyaad sheegay waxa ay ku sameeyeen hasha, halkaana uu ku fashilmay shirqoolkodii.

Halkaas ayay dadkii oo dhami ku qireen garaadka Eebe ku manneystay Siyaad Dheryo-dhoobe, hashiina lagu gowracay. Waxaa kale oo halkaas ka hirgalay maahmaahdii uu bixiyay Siyaad ee ahayd “Hashu maankaygay gadaye, ma masaar bay laqday”, oo illaa iyo hadda dhaqan gashay.

 Qisadii Xog warran

Sideedaba waqti kasta waxa uu leeyahay dad u gooni ah oo laga wareysto wixii markaa taagan ama horay u dhacay, Siyaadna xiligiisii wuxuu ka mid ahaa dadka iyagu looga dambeeyo fikradaha iyo oraahyada taariikhiga ah. Dadka caaqiliinta ah waxaa badanaaba la weydiiyaa su’aalo fara badan oo ulajeedaoodu tahay in lagaga faa’iideysto ama lagaga reebo oraahyo, maahmaahyo ama murtiyo taariikhda gala.

Maalin iyada oo goob shir ah la joogo, loona wada dhan yahay ayaa waxa Siyaad la weydiiyay su’aalo si bal looga faa’iideysto caaqilka. Su’aalaha la weydiiyay Waxa ay ahaayen kuwo si toos ah ama si dadban u khuseeya dadka oo dhan. Akhristoow in kastoo sheekadani dhacday in ka badan 400 sano kahor, haddan su’aalaha la weydiiyay iyo jawaabaha uu Siyaad ka bixiyayba waxaa laga yaabaa qaar ka mid ahi in ay ku quseeyaan ama aad la kulantay. Waxayna su’aalihii u dhaceen sidaa:

Dadkii: Siyaad, bal ka warran samaanta iyo xumaanta ragga?

Siyaad: Rag samaantiis waa “waxaada wax ka sii, wixiisana baahi u cun. Xumaantiisana ninkii ka abaal dhaca wax ka weydiiya, isagaa iiga aqoon badane”.

Dadkii: Ka warran samaanta iyo xumaanta dumarka?

Siyaad: dumar samaantiisa waa “u samir ama ka samir. Xumaantiisana ninkii labada cir-guduud la tirsada wax ka weydiiya, isagaa iiga aqoon badane”.

Dadkii: Ka warran geela samaantiisa iyo xumaantiisa?

Siyaad: Geel samaantiisa “waa korkiisu hakaa qarsanaado, koortiisuna hakuu yeerto. Xumaantiisana ninkii sadex jir ka rartay, lix jirna raaciyay wax ka weydiiya, isagaa iiga aqoon badane”.

Dadkii: Ka warran lo’da samaanteeda iyo xumaanteeda?

Siyaad: Lo’da samaanteedu waa “labada hore biyo ha kula jirto, labada dambena cows. Xumaanteedana ninkii sadex qadiyay, eregna u dhiibtay wax ka weydiiya, isagaa iiga aqoon badane”.

Dadkii: Ka warran ariga samaantiisa iyo xumaantiisa?

Siyaad: Ariga samaantiisa waa “meel il bannaan leh ha daaqo, arad wanaagsanina ha xanaaneyso. Xumaantiisana berrin ood cas leh ninkii ku furay wax ka weydiiya, isagaa iiga aqoon badane.

Dadkii oo dhan waxaa halkaa uga caddaatay in uu Siyaad yahay nin xikmad badan oo laa faa’iideysto Eebe ku mannestay. Maalintaana su’aalihii uu jawaabta ka bixiyay waxaa laga heli karaa nolosha bini’aadamka meel kasta oo ay jogaanba.

Qisadii Mag ari

Waxaa jirtay in uu dagaal dhex maray beesha uu Siyaad ka dhashay ee Duduble iyo beel kale, dad badan oo laba dhinacba ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen. Sida caadada Soomaalidu ahayd ama hadda tahayba markii gogoshii heshiisiinta la isugu yimid ayaa la xisaabtamay oo dhimashadii la isu tirsaday. Beeshii Siyaad ayaa laba nin la dheeraaday oo diyadoodii lagu yeeshay.

In kastoo waqtiga hadda la joogo diyada lacag lagu bixiyo, xilligii qisadani dhacday geel ayaa lagu bixin jiray diyada, lacagna lama aqoon. Subixii dambe ayaa Siyaad diyadii ari u keenay, dadkii oo dhamina ay wada fajaceen, filanwaana ku noqotay falka uu ku kacay Siyaad Dheryo-dhoobe.

Sida la wada ogsoon yahay garta Soomaalidu waa mid furan oo waxaa ka soo qeybgala dadka oo dhan, si loo ogaado waxa lagu heshiiyay iyo in ay raali ka yihiin labada dhinac ee la dhexdhexaadinayo. Maalintaana waxaa gogosha joogay qabiilo kale oo Soomaali ah, si ay uga marqaati noqdaan heshiiskaas.

Dadkii oo dhan ayaa weydiiyay Siyaad sababta uu ari diyada ugu bixinayo, maadaama uu dhaqanku ahaa geel in lagu bixiyo. Siyaad oo ku adkeystay in uu arigu geela ka wanaagsan yahay, kana manaafacaad badan yahay ayaa waxa uu ku qeexay arigii sidan “Labo ragga ayay la wadaagtaa, labana dumarka, labana geela, labana fardaha, labana lo’da, labana wey sii dheertahay”. Dadkii ayaa weydiistay Siyaad in uu faahfaahiyo wixii uu tiriyay oo dhan.

Siyaad sida la sheegayba dan ayuu ka lahaa diyada ariga lagu bixiyay, waxaana ka go’nayd in uu ka qanciyo reerihii diyada ku lahaa iyo beeshii uu ka dhashay oo aan ku faraxsaneyn ficilka uu muujiyay. Siyaad wuxuu ku bilaabay faahfaahintiisa sidan:

Labo ragga ayay la wadaagtaa, oo waa ‘garka iyo xuurada’

labo dumarka ayay la wadaagtaa, oo waa ‘labaca iyo laab-nugeylka’

labo geela ayay lawadaagtaa oo waa ‘qatinka iyo qajaajufka’

labo fardaha ayay la wadaagtaa oo waa ‘gurdanka iyo gaalibka’

labo lo’da ayay la wadaagtaa oo waa ‘qoobabka iyo geesaha’

Siyaad wuxuu ku soo gabogabeeyay labadii uu danta ka lahaa oo wuxuu yiri:

‘labana waa ay dheertahoo, iyadoo labo jir ah ayay laba qooxood dhexdood iska seeddaa, oo ay laba jirna kaa seexisaa(kaa dherjisaa).

Dadkii oo dhami waa ay garowsadeen hadaladii Siyaad, reerihii diyada ariga lagu siiyayna waa ay aqbaleen, halkaas ayaana lagu heshiiyay oo gartii ku xirantay. Ninkii reerka diyada qaatay u ahaa madaxda ayaa markuu u adkeysan waayay hadalii Siyaad, una arkay in laga gar helay, inkaar la beegsaday Siyaad, oo yiri ‘Labo labo badanaa, labo aan is-geyn ha kaa harto’.

Siyaad intaa kuma ekeyne wuxuu yiri hadal kale oo taariikhda galay illaa iyo maantana maahmaahda Soomaalida ku jira. Wuxuuna yiri:

‘Geel iyo wixii gooyaa, waxba isma gaado dhaamaan’

Inkastoo dadka geela dhaqda ay ku culus tahay in arigu geela ka wanaagsan yahay, haddana waxaa halkaan ku cad in ay beeshii Siyaad ari ku bixiyeen diyadii, iyagoo awood u lahaa in ay geel ku bixiyaan.

Maalintaa waxaa taariikhda dhaqanka Soomaalida galay hadalo ama arrimo dhowr ah oo ka dhacay gogoshaas. Waxaa goobtii ama geedkii garta loo bixiyay illaa iyo haddana loo yaqaan ‘Mag Ariile’. Reerihii iyagu diyada ku qaatay arigana waxaa loo bixiyay illaa iyo maantana loo yaqaan ‘Ciise Riyoole’, waxayna degaan gobolada bari ee Soomaaliya. Inkaartii Siyaad lagu riday oo ahayd ‘labo labo badanaa, labo aan is geyn ha kaa harto’ waa ay haleeshay Siyaad, oo dad badani kama farcamin.

Qisadii koore-dadab

Sida la ogyahay nolosha reer miyigii hore ee soomaalida aad ayay u adkeyd marka loo eego xilliyada colaadaha iyo abaaraha. Xilliyada colaadda waxaa dhici jiray duullaamo beelaha soomaalidu isku qaadi jireen oo marka ay taasi dhacdana xoolo(Geel),iyo xarrago(Fardo) lagu kala qaadi jiray.

Haddaba waxaa dhacay in beri reerihii Siyaad col galay, dagaal lagu riiqdayna uu ka dhacay halkaa, kadib waxaa colkii duullaanka soo qaaday u suurto gashay in ay hore u sii taxaabtaan geenyo beesha Duduble dhexdeeda caan ka ahayd, Ugaaskeeduna lahaa in kastoo uu Siyaad si gaar ah u dhaqaaleyn jiray geenyadaas. Markii dagaalka lagu kala dareeray, dhaawaciina la kala fogeystay ayaa waxaa la ogaaday in ay geenyadii Ugaaska ay colkii u gacan gashay.

Waxaa loo saaray rag jilib culus ah sidii lagu soo celin lahaa geenyadaas oo astaan iyo sharafba u ahayd beesha laga qaaday. Siyaad Dheryodhoob ayaa noqday qofkii loo xulay in uu geenyadii ku soo celiyo xerada laga taxaabay, wuxuuna weysada u biyeystay sidii uu himiladaas u gaari lahaa.

Siyaad wuxuu soo socdaba, wuxuu goor barqo ah soo galay reerihii geenyada ay xeradooda ku jirtay, isagoo iska dhigaya doqon aan waxba garaneyn. Gabar uu dhalay boqorka reerahaa oo ari la joogtay baa aragtay, markii ay u aqoonsatay nin dhimman in uu yahay, ayaa waxa ay u soo kaxaysay xaggii reerka, una keentay aabaheed iyo odayaashii kale. Boqorka reerka oo ahaa nin shaki badan, ileyn waa nin dakano qaba oo nin kale geenyadiisna soo xareystaye, ayaa waxa uu Siyaad mariyay tijaabooyin badan si uu u hubiyo bal in ninku yahay nacas reerka agahiisa looga tagi karo iyo in uu yahay halyey isa soo dhammaagaya. Markii ay boqorkii u caddaatay in ninkani yahay nacas aan dhaqanka adduun waxba kala socon ayaa la soo dhoweeyay oo adeegaha reer boqor laga dhigay, iyadoo loo bixiyay magaca ah “dambas jiif” maadaama meelaha dabka lagu shido uu iska seexan jiray oo aanu nadaafadiisa dan ka lahayn.

Siyaad waxa uu soo xareyn jiray oo uu la joogi jiray fardaha boqorka Beesha oo ay ku jirto geenyadii uu daraadeed safarka dheer u soo maray, waxana uu noqday ninka kaliya ee xerada gammaanka iyo xoodaamiskoodaba uu boqorku u dirsan jiray, maadaama uusan boqorku u aamini jirin cid kale oo garanaysa waxtarkooda.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa si kadis ah isaga oo aan filayn u daawanaysaysay gabadha boqorka beesha xilli uu laxawsanayay geenyadii uu soo dhaqaaleyn jiray oo marka ay aqoonsatay gurxan kala joojin waysay, arrintaas oo shaki ku dhalisay gabadhii boqorka. Shakigii ay qaadday bay aabaheed u sheegtay waxaana la go’aansaday in la hubiyo bal in ninkani fardofuul yahay iyo in kale. Meel fagaare ah baa looga yeeray waxaana la faray in uu faras geed ku xiran ka soo furo oo uuna soo heenseeyo. Hase yeeshee mar qura ayaa dadkii meesha isugu yimid qosol la kala dareereen, inantii shakiga kicisayna yaxyax la sii jeesatay markii uu Siyaad koorihii faraska dhankii qaldanaa u rogay kuna soo xiray faraskii. Dabadeedna waxaa halkaas uga baxay Siyaad magacii labaad oo ah “koorodadab”.

Boqorkii sidaa ugama uusan harine wuxuu gabadhiisii ku yiri ‘Nin kaan waa ka shakiyaye, orodoo u fadhi xumme’. Gabadhii boqorka ayaa maalintii dambe u timid Siyaad ee meel iska fadhiya, soona hor kadan-koodsatay iyadoo u fadhi xumeyneysa, oo aan cowradeeda ka qarsaneyn. Siyaad ma uusan gaagixine, inta farta uu ku fiiqay gabadha alaabteeda ayuu yiri “Naa ma dagaal baad gashay, oo meeshaas ma waran baa kaaga dhacay”. Gabadhii uma jawaabine way ka dhaqaaqday, waxayna aabaheed u sheegtay wixii dhacay. Sidaas ayuuna boqorkii reerku ku shaki baxay.

Siyaad waxa uu dhaandhaan iska dhigo, marba si silloon oo lala yaabo u dhaqmaba, waxa ugu dambeyntii u timid fursaddii uu muddada sugayay. Galab ayaa boqorka reerku faray Siyaad in uu soo kaxeeyo geenyadii oo lagu diyaariyey geed hoostii loona qalabeeyey si heer sare ah si loogu dabbaaldego inanta boqorka oo la aroosayay. Waa siduu Siyaad rabaye, intuu geenyadii si xarrago leh u soo fuulay oo madashii shirka ula soo dhowaaday buu markii la weydiiyay “waa kuma ninka geenyada ku joogaa?” wuxuu ku jawaabay “marna waa dambas jiif, marna waa koorodadab, marna waa kii lahaa”. Intaas kuma ekaane wuxuu madashii odayaashu fadhiyeen ku soo sayriyey wasakh uu ula jeeday in uu ku muujiyo sida aanu ugu qanacsanayn habkii ay ula dhaqmeen iyo colaaddii ka horreysay ee ay geenyada ku soo qafaasheen. Siyaad oo awalba aqoon u lahaa geenyada uu saaran yahay orodkeeda in aan faras kale cago ku gaari karin, ayaa la beegsaday jihadii reerkoodu ka jiray isagoo niyada ku haya in uu col soo dabajoogo.

Durbadiiba waxa la agaasimay ciidankii iyo fardaha midba midkii uu ka dheereeyay si ninka geenyada qaaday looga soo reebo, hase yeeshee geenyada oo aan gammaan cago ku barbareeya weli hore loo arag ayaa ka cid gashay colkii ku raad joogay. Halkaasna waxaa beesha Siyaad ay sharaf ku aqoonsadeen qofnimadiisa qaaliga ah, boqorkii is jecleysiiyay geenyo aan isaga u dhalanna wuxuu ogaaday in uu Siyaad ahaa nin caqli badan, doqonnimona ay kala fog yihiin.

Qisadii Garta

Maalin maalmaha ka mid ah Siyaad oo wata rati dhaan ah, ceelkana ujeeda ayaa waxaa uu maqlay dad magaciisa ugu yeeraya oo leh ‘Siyaad…siyaad’, gadaal ayuu u fiiriyay wuxuu arkay labo nin oo xagiisa u soo ordaya, kadibna wuu ka sii jeestay oo socdaalkiisii sii watay.

Labadii nin oo xuurtoonaya oo dhididka seyrinaya ayaa ka daba yimid kuna yiraahdeen ‘Siyaadoow rag ayaa halkaas fadhiya oo gar goyn waayaye, kaalay wax ka dheh’. Siyaad oo lagu yaqaanay murtida iyo garta aan eexda lahayn, lagana filayay in uu ragga garta u fadhiya kala qeybqaato ayaa wuxuu ku yiri raggii “Nin hoggaan hayaa, howraar ma toosiyo” wuuna iska sii socday oo dhaankiisii kaxeystay.

Labadii nin oo ka xumaaday goobta uu uga dhaqaajiyay Siyaad iyo xilligii gartu isku cakirnayn ee baahida loo qabay ayaa raggii geedka garta u fadhiyay dib ugu laabtay una sheegay in uu Siyaad diiday in uu galo gartaas. Nin raggii gogosha fadhiyay ka mid ahaa ayaa weydiiyay labadii nin hadalkii uu Siyaad ku jawaabay, waxayna u sheegeen in uu Siyaad yiri “Nin hoggaan hayaa, howraar ma toosiyo”. Ninkii ayaa fahmay ulajeedada uu Siyaad ka lahaa hadalkaas wuxuuna ku yiri raggii intiisii kale ‘Siyaad ma diidin in uu garta galo, wuxuu yiri ninna laba howl ma wada qaban karo hal mar, ee wuu na soo mari doonaa markuu soo dhaansado, waa in aan sugnaa’.

Maalin kadib ayaa Siyaad oo dhaankiisii wata soo maray raggii oo geedkii gartii u fadhiya, dhinac buu ka fariistay gogoshii. isla markaana gartii galay, gabogabadiina waa lagu heshiiyay.

Waxaa halkaas laga qaatay hadalka maahmaahda noqday ee ahaa “Nin hoggaan hayaa howraar ma toosiyo”, oo ka mid ah maahmaahyada badan ee uu Siyaad reebay, macnaheeduna ku saleysan yahay “Ninna labo shaqo hal mar ma wada qaban karo”

 To be continued..

7 Responses

Subscribe to comments with RSS.

  1. hadime weeye hoosaad hadiyad weeye garab siman hagar weeye howshani howlyari masiis teen hafashada dalkeniyo dadkii ma huraan hawo raac ku soo koray haduu hadaf gaar isleeyahay haasaawe wacan yahay hayinkiisu adag yahay horaar sigiisu midab yahay howl yari masiidaan´´´´´´ ma hugtaa habsami socoshada dadnimo ma hogaamiyaa showkaanta man qabtaa eray maan kadaayaa oraah maan ku deeqaa arin maan ku dayaaa eray maan kadaayaaa sida geed hadh waynoo caleemuhu balaadheen harkiisii hoy makaga dhigay somalay saldhigo hasaluugin habsami socodka nabadeee soo sikoo sambabada ku qata ———– waa abdu rahman husen iyo galgaduud garahaan magaalada ceelgaras mahadasaniddiin dhamaan

    abdirahman hussein maaid yare

    May 11, 2010 at 3:10 pm

  2. Run ahaantii waan ka helay taariikhad Dheryo Dhoobe, maadaama aan kasoo jeedo dooxa dudubae

    Abubakar Hashi Musse

    January 3, 2011 at 3:59 am

  3. asalaamu calaykum waxaan rabaa in aan halkaan kacadeeyo shaeekada qaar kamida inaysan dhicin xiligii siyaad (dharyo dhooble)

    sheekada geenayada ladhacay iyo kooradad ma aysan dhicin xiligii siyaad (dharyo dhooble) meesha ayka dhacdaynay siyaad waligii matagin

    1. boqorka geenyada gurigiisa lageeyey wuxuu daganaa xuduuda mudug iyo bari iska galanaan dadkiisana europe iyo somalia ayey joogaan

    2. ninka geenyada soo celiyeyna muxumud xaare ayaa layiraa asna hadii loobaah ilmihii uu awoowaha sadexaad iyo afaraad u ahaa lahelayaa oo aan anigu kamid ahey

    walaal yaal taariikh in laqaldo mafiicna xataa hadey mid xuntahey

    wabilaahi towfiiq

    khaliif

    July 11, 2011 at 10:32 pm

  4. Masha allah waa taarikh aad xasuus mudan

    Bootaan

    November 12, 2012 at 1:41 pm

  5. Waxaan aad ugu hambalyaynaya qoraaga taariikh nololeedka Siyaad Qaasim oo ku magac dheeraa (Siyaad dherya- dhoob), si fiican ayaad u soo iftiimisay, balse waxaa jira arrin kaa yara qarsoon iyo mid kale oo aan gebi ahaan kugu diidanahay. Waa tan hore e marka hasha masaarta laqday loo keenay, waxaa arin fajicisa ah oo ka qabsatay Siyaad ninka hasha lahaa arinkaa aawadii iyo inuu banjariyo caqliga siyaad ayuu hasha masaarta u laqsiiyay. Tan labaad waxaam kugu diidanahay Siyaad dher-dhoob ayaa ahaa ninkii la magaca baxay “Koora-dadab” si cad oo xaqiiq ku salaysan ayaan ku leeyahay ma ahan. Labada nin in badan ayaan kala sheekaystay dadka ugu garashada roon halyaaya ugu magaca dheer dhulka loo yaqaan gobolada dhexe in badan oo taariikh ahna waan ka hayaa. Koora-dadab waa nin “cayr/yabar-dhowra kace” ah, waxaana lagu magaca abi jiray “Yoonis” halka gobolada qaarna looga garanayay “Yoolif”. Arintaa aan kuu iftiimiyay si fiican u baar. MAHADSANID

    Maxamed Axmed Shire

    January 11, 2013 at 2:03 pm

  6. Muxumud Cali Xaare wuu jiraa waa nin fardo qaadista caan ku ahaa, isagu geenyada ma keenine wuxuu keenay oo uu keenisteeda wacad ku maray Geenyadii gammaan ay dhashay, oo uu u bila tirin jiray intay ka gaarayso koora baradg, markii gugeedu ku dhowaaday ayuu iyadoon weli la heensa barin la soo tegay. Habeenkaa uu kaabiga ugu jiro taariikh cajiib ah ayay lahayd wixii dhacay.

    Maxamed Axmed Shire

    January 11, 2013 at 2:15 pm

  7. mashaa alaah waad mahad santihin awoowgeen Qaasim taariikh ayuu reebay inkastoo dadbadan oo soomaali ah yiraahdaan anagoo naga dhashay qaasim laakiin waxaa run ah inuu caaqil reer mahamuud hiraab ah ahaa marka taariikhda geesiyaaasha na waa in lasoo uruuriyaa sida xalane oo kale

    Hamdi faarah igale

    April 10, 2013 at 1:37 pm


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: