Explorations in History and Society

Exploring and Collecting the History of the Somali clan of Hawiye.

Taariikh kooban ee ku saabsan Cadale

leave a comment »

Degmada Cadale qarniyadii lasoo dhaafay waxey ka mid eheed furdooyinka ey dadka Soomaalida ah wax uga soo degijireen kuwaas oo kakala imaajiray wadamada Carabta iyo kuwa Afrikada Bari, waxaana laga rarijiray waxyaalaha ey wadamadaas u baahanyihiin sida xoolaha malaayga iwm.Badda Cadale waxaa laga helaa noocyo badan oo malaay ah oo weliba si dhibyar aad ku soo dabo kartid.dhica berriga geed gaab waxaana soomaalidu u taqaanaa deex. Waxaad meeshaas ku arkeysaa meel xoogaa tilaabo ah u jirto xeebta iney joogaan xoola duurta dadku ugaarsaso oo noocyo badan leh. Dadka deegaankaas ku dhaqan waxey kala yihiin xoolo dhaqato iyo malaay gadato. Xoolaha ey dadkaasu dhaqdaan waxey isugu jiraan: Geel, Lo’ iyo Iri, Iriga oo u kala baxo Iricad iyo Ido, waxowna degaankaasu caan ku yahay dhaqashada Idaha oo markii qof marti ah ow tago lagu martiqaado wan jar ah taasoo micnaheedu tahay wan aad u cayilan, dhinaca kale waxey Soomaalidu ku maahmaahdaa “lax iyo laxaw meel islama galaan” laxdaas aad maqashay waa midda ku dhaqan deegaankaa ee daaqdo cowska gumxirka loo yaqaano ee degmadaas iyo ruumanka ku yaalo ey caanka ku yihiin.Dhinaca kale gumeysigii talyaaniga waxow qabsashadii degmadaas kala kulmay halgan dheer oo dadkii degaankaasu lagaleen, makii dambe oo ow qabsadayna waxow u bixiyay magaca ah Italo oo ow kaweday Itaaliyadii yareed taasoo ku timid markii ow layaabay quruxda degmadaas.Kedib xurnimadii degmadaasu wexey kamid naqatay degmooyinkii la ilaabay ahmiyadii eylahaayeen.

Halkee ka yimid magaca Cadale?

Cadale waa degmo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxay ku taalaa Xeebta Badweynta Hindiya, waxayna Muqdisho dhinaca Waqooyi uga beegan tahay ilaa 180Km.

Cadale waxay ka mid tahay degmooyinka caanka ka ah Xeebaha Soomaaliya, waxayna aas aasantay xilli hore oo aan si sax ah taariikhdeeda loo hayn.

Magaca ay leedahay degmadani ee Cadale wuxuu iska saaran yahay labo eray oo gaagaaban, iyadoo midka hore yahay “Caday” iyo “Leh”, waxaana loo jeedaa goob Caday leh oo ay ka buuxaan geedaha lagu rumeysto.
Cadale ka hor intii aan la aasaasin waxay ahayd goob ay ku yaalaan teendhooyin yar yar oo ay leeyihiin dadka Kalluumeysato ah oo ka shaqeysan jiray Xeebaha ku dhow dhow degmada Cadale.
Cadale waxay caasimad u ahaan jirtay dadka ku nool deegaanada ku dhow dhow maadaama ay ahayd magaalo weyn tan iyaga ugu dhow.
Sanadkii 1307 ee Hijriyada ayaa waxaa deegaanadaas ciidamadii Talyaaniga ee gumeystaha kula dagaalamay dadka deegaanka, inkastoo haddana jabhad halkaas laga aas aasay oo ka horjeedday Talyaaniga aysan muddo dheer shaqeyn oo ay mar dambe burburtay.
Degmada Cadale waxay horey u ahaan jirtay magaalo ay deggan yihiin waddaado fara badan, iyadoo ka mid ah magaalooyinkii ugu masaajidyada badnaa xilliyadii hore.

Dadka deegaankaasi deganaan jiray waxaa ka mid ahaa Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan (Sh. Axmed Wacdiyow), wuxuuna Sheekhaasi ahaa wadaad aad uga soo horjeeday imaanshihii Talyaaniga ee dalka Soomaaliya, wuxuuna isku dayey in uu si awood ah uga hortago gumeystihii Talyaaniga.

Sheekh Axmed Wacdiyow oo reer Cadale ahaa waxaa jira Gabayo fara badan oo uu ka tiriyey gumeystihii Talyaaniga iyo sida uu uga soo horjeedday, waxaana ka mid ahaa gabayadiisii:

Soomaaliyaan u dagaalamaynaa,
dalkeena ballaaran u daafacaynaa,
kuwa dulmaaya la dood galaynaa,
dabeylka mowdku intuu I daadihin,
hilibka duud cunin deebna uu noqon,
duruyadaada dab looma aasee,
kuwa dambaan u dariiq falaynaa,
kufriga soo dagay diidda leenahay.


Written by abshir100

July 27, 2009 at 1:00 am

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: