Explorations in History and Society

Exploring and Collecting the History of the Somali clan of Hawiye.

Taariikh kooban ee ku saabsan Warsheikh

leave a comment »

Warsheekh waa degmo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxayna ilaa 90-Km dhinaca Waqooyi uga beegan tahay magaalada Muqdisho, waxay ku taalaa Xeebta Badweynta Hindiya waana magaalo qadiimi ah.
Magaca magaaladani leedahay ee Warsheekh wuxuu iska saaran yahay labo eray oo kala ah “War” iyo “Sheekh”, waxaana loo la jeedaa hadalkii Sheekha iyadoo Soomaalidu Sheekh u taqaano qofkii barta Cilmiga gaar ahaan Diinta Islaamka.Sababta magacaan uu ugu baxay degmada Warsheekh ayaa lagu sheegay in ay ka dhalatay arrin dhexmartay Wadaaddo Suufiyaal ahaa iyo boqor xilligaas xukumi jiray magaalada Muqdisho.
Wadaaddan oo ka koobnaa afar magacyadoodana lagu kala sheegay Sheekh Sacad Daawuud, Sheekh Cakwaaq, Sheekh Isxaj Waaq iyo Sheekh Muuse Ileey ayaa waxay khalwo cibaado ah oo ay dadka uga foganayaan ku galeen meel u dhaxaysa deegaanada Jaziira iyo Dhannaane, goobtaas oo saarneyd Xeebta Badda.

Culimadaan afarta ah ayaa waxay halkaas ku cibaadeysanayeen in ka badan 30 sano, waxayna khalwadii ka soo baxeen sanadkii 1034-tii Hijriyada, waxayna u soo dhaqaaqeen dhinaca magaalada Muqdisho.
Markii ay Muqdisho yimaadeen ayaa dad iyaga xaasid ku ahaa waxay Boqorkii xilligaa xukumayey magaalada si bara-bagaando ah ugu sheegeen in wadaadani ay yihiin dad saaxiriin ah oo doonaya in ay sixir soo geliyaan magaalada Muqdisho ee uu xukumayey.

Boqorkii wuxu amar ku bixiyey in afartaas wadaad la soo qabto jeelkana la dhigo, sidaas ayaana Xabsiga loogu taxaabay, markii habeen la gaaray ayey waxay ku fekereen qaab ay uga baxaan xabsiga mugdiga ahaa ee maamulka Boqorku uu geliyey.

Maadaama ay sanado badan soo cibaadeysanayeen waxay isku raaceen in ay Alle baryaan si uu dhibaatada ay ku jiraan uga saaro, mid kasta oo ka mid ah afartoodii waxaa loo dhiibay howl.

Mid ka mid ah waxay u xilsaareen in uu Alle baryo si albaabka Xabsigu uga furmo, mid kale ayaa isagana loo xilsaaray inuu Alle baryo si waardiyuhu u arki waayaan marka ay sii baxayaan, kan saddexaad ayaa isna loo xilsaaray inuu Alle ka baryo sidii uu wadada ugu fududeyn lahaa oo intii habeenimo meel fog ay u gaari lahaayeen, midka afaraad ayaa waxaa loo xilsaaray in uu Alle ka baryo in meeshii ay ku waabariistaan aysan ka waayin biyo ay ku weeseystaan.

Waxay ku dhaqaaqeen waxyaabihii ay ka showreen, waxaana ka furantay iriddii, waardiyihii ilaalinayey ma uusan arkin, waxayna u dhaqaaqeen dhulka Waqooyi ka jira magaalada Muqdisho, xilligii salaadda subax ayey gaareen halka ay hadda Warsheekh ku taalo oo ahayd meel aan magaalo ahayn oo ay dagan yihiin dad xoolaaleey ah.

Sheekhii loo xilsaaray inaan Salaadda subax la waayin biyo lagu weyseysto ayaa la gaaray doorkiisii, wuxuu qoday goob Badda cirifkeeda ah, waxaana ka soo baxay biyo, weyna ku weyso qaateen salaaddii subaxna sidaas ayey ku tukadeen.

Markii ay dhameysteen Salaadda ayey waxay raadiyeen cid uun martiqaadda maadaama ay yihiin safar qariib ah, waxay arkeen dad reer miyi ah oo si teel teel ah u daganaa dhulka baadiyaha ah, qofkii ugu horreysay ee ay u yimaadaan waxay ahayd haweeney magaceeda lagu sheegay Caasha, waxayna u sheegeen in ay yihiin culimo Xabsi ka soo baxday, waxayna ka dalbadeen in ay martiqaad u fidiso.

Haweeneydii waxay culimadii u sheegtay in reerku haysto raashin, balse aysan wax biyo ah haysan, waxay culimadii u sheegeen Haweeneydii in ay meel biyo ku ogyihiin, waxayna siiyeen tilmaan si ay biyo uga soo qaadato goobtii badda cirifkeeda ahayd ee ay xilligii salaadda subax ka weeseysteen, Haweeneydii waxay qaadatay weelashii xilligaas biyaha lagu doonan jiray, waxayna u dhaqaaqday goobtii culimadu u tilmaameen.
Dadkii reer miyiga ahaa ee meesha la deganaa Haweeneyda ayaa weydiiyey halka ay u socoto, waxayna Haweeneydii ku tiri “Waxaan ku socdaa War-sheekh” oo ay ula jeedday waxaan ku socdaa hadal uu ii sheegay Sheekh oo ah in meel ku dhow Badda biyo laga helayo, sidaas ayeyna Warsheekh magacaas ku qaadatay.

Xilligaas kaddib waxay Warsheekh noqotay meel magaalo ah oo dad fara badan dagan yihiin, dhowr jeer ayey magaaladaasi baaba’day haddana dib u dhisantay, waxaa deegaan ahaan u soo maray dadyow kala geddisan oo Ujuuraan ay ka mid ahaayeen, balse xilliga ay culimadani halkaasi tagayeen iyadoo aan meeshu magaalo ahayn ayaa Haweeneyda ay la kulmeen waxaa Shariif Caydaruus oo taariikhda Soomaalida wax ka qoray uu ku sheegay inay ahayd Wacdaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: